Jidka Nabadda

Arboco, July 07, 2010

Ummad ciil u dhiman oo          Cabsi wayn u dheertahay

Calankeed waxaa sida             Caqli gaab  indhala’ oo

Maqalkiisu culus yahay            Kana qaday cilmiga jira

Caruur iyo cirroolaba               Cid kastoo karti lahayd

Baadi culus ayaa maqan           Mana caawinaaysaan?

Illaa markaan yaraa waxaan maqli jiray su’aasha ah: Ma “nabad” baa? Waxaan u qaatay salaan keli ah inay tahay; haddana mar dhexe waxaan u qaatay  wax la xiriira dhacdooyinka, sidaan u socday ayaan ogaaday inay “Nabaddu” tahay baadi ruux kasta ka maqan!, oo meel kasta in laga raadiyo u baahan; ruux kasta in la weydiiyo, kharash kasta in loo huro , fikir culus oo lagu saleeyo cilmi baaris dhab ah oo loo qoondeeyo  miisaanayad, kaasoo lala kaashanayo wax kasta oo suuragal ah.  Maxaa yeelay Soomaalidu waxay tiraahdaa (BAADIYI CAN DHABAN)

Inta baadidaasi maqantahay wax noo fayoow ma jirayaan, oo waa  laf-dhabartii nolosha, ama waa gaadiidka reerku ku nool yahay, mayee aan dhaho waa wax ka daran, oo mararka qaarkood waa la iska noolaan karaa gaadiid la’aan.  Haddaba waxaan dhihi karnaa ‘nabaddu’ waa biyaha oo kale. Waxayse kaga duwantahay baahida biyuhu halmar magaalada ama tuulada ma saameeyso, waxaan is leeyahay meesha ay ugu dhowdahay waa Ogsijiinta lagu neefsado! Waa baahi deg deg ah oon soo daahin marnaba, ruuxna ma ka maarmo. Haddii aad eegto sooyaalka taariikheed ee aadanaha waxaad arkeeysaa ineey aheyd, waxa ugu muhiimsan ee sal u ahaa wada noolaanshahooda.

Haddii aan nidhaahno bulshada Soomaaliyeed  waa   guri keli ah, kana  samaysan qolal dhowr ah, isticmaala hal matoor, xaga dhalinta korantada, soo saarka biyaha, waraabinta beeraha, karinta cuntada, oo dhammaan nolosha dadkeenu ku taagan tahay matoorkaas kaligii, lana haaysan wax lagu badali karo waxaan muuqanaysa in inta caqliga lihi ku talin lahayd matoorkaas hala ilaaliyo, shidaalkiisa, nadaafadiisa, olyadiisa, waxay ahaan laheyd kuwo mudan in aad looga taxadaro. Noloshii sidaa u dhisneyd waxaa dhacday inaan  matoorkii kalida ahaa  gacmaheena ku gubnay, amaba aan ku dheelnay hanaankii ay aheyd in loo raaco ka shaqeeynsintiisa sida shidaal iyo olyo ku shubida, iyadoo ay qaar badan oo innaga mid ahina ay fiirsanayaan sida wax loo duminayo oo ay iskula quman yihiin ineey iska eegtaan duminta la duminayo halbowlihii nolosha oo aheeyd “Nabadda”.

Haddaan hoos u soo dego, qofkii u kuur kala qaab dhismeedka feker iyo dhaqan ee bulshadeena, waxaa muuqaneeysa inay caado noqotay  inaan kala qaadano isuna gudbino dhaqano, iyo fariimo aanan laga baaraan degin, oon cidna dadaal gelinin maxaa ka run ah, maxaase  ka khaldan?  Haddana bulshadeenu waxaa ay hiddo u lahayd aragti ku saabsan  nabadda iyo colaadda oo qoto dheer leh, taas oo mudan in la baaro lagana baaraan dago sidii looga faa’ideysan lahaa. Waxaa gun u ah nolasheena oo idil “colaad” aan dhammaad lahayn, way qaboowdaye ma dhammaato!, Waa la daalaayee lama heshiiyo; Waa la isu nastaayee lagama  towba keeno, roobku ha inoo da’o waabad arki doontaaye, waa dhaqan soo jireen ah oo la kala dhaxlo, oo la isugu gudbiyo nooc kastoo maansooyinka iyo murtida aan leenahay ayaa loo adeegsadaa, ha ahaato gabay, geeraar, guuroow, jiifto, buraanbur, maahmaaho iyo murtideena oo idil sidii colaadahan leysu dhaxalsiin lahaa. Cayaaraha hiddaha iyo dhaqan xitaa kama magan gelin buunbuuninta colaadaha iyo dhiirigeelinta dagaalada. Haddaad eegto dhaantada, walasaqada, shiribka, beerrayda, waalada iyo qeybaha kale cayaaraha hiddo iyo dhaqan waxaad arkeeysaa kaalinta mugga weyn ee ay ku leeyihiin faafinta afkaaraha colaadda. Waxaa leyska indho tiray suugaanta dhaxalka murti iyo xikmad ee aanu leenahay ee nagu boorrineysa nabadda iyo qiyamka toosan. Maadaama uu Illaah ina siiyay ikhtiyaar aan ku kala doorano jidka toosan iyo kan khaldan, ayaa nasiib darro ummadeenu u badatay u gutashada wax kasta oo baaba’ iyo burbur na dhaxalsiinayo. Natiijada ka dhalatay wadadii khaldaneeyd ee aanu qaadnay waa taa aanu maanta la il-darannahay.

Buunbuuninta suugaanta iyo taariikhaha colaadeed waxaa ay dadkeenu gaadhay in had iyo goor laga sheekeeyo dagaaladii la gali jiray, geesinimadii raggii libaaxyada  ahaa oon aqoonin naxdinta iyo cabsida, kuwaasoo mar walbaba goobaha guusha taagnaan jiray, waa sheeko qoys kasta oo Soomaali ah  boqolaal jeer uu dhageeystay, isagoon wax kala aragti duwanaan ah meeshaas ka muuqan, oo dhammaan madaxa loo ruxaayo, warka ninka raga ahi tabinaayo si waliba ka badbadin ay ku jirto, waa mid loo jilicsan yahay loona nugul yahay sida loo badan yahay.

Waxaa lagu  qiyaasaa dadka qowmiyadda Soomaaliyeed ee Geeska Afrika dagan iney gaarayaan ilaa 20 malyuun. Ma yara oo waa qowmiyad badan culaysna leh, maalin kasta dadka intaas le’eg dagaal ayay ku jiraan, marna kama nastaan, way la soo toosaan, wayna ku seexdaan, habeen iyo maalin walba waa ay ka sheekeeyaan, ama waxa ay maqlayaan dhacdooyinka tooska ah ee aan kala go’a laheyn. Waxaa ka siman sidaa foosha xun culimada, caamada, ardayda, macalimiinta, dhalinyarada, odayaasha, raga iyo dumarka, waa sheeko uu maqli karo midka raba iyo midka aan rabin, iyadoo kaftan ah, iyada oo dhab ah, iyada oo loo balamay iyada oon loo balamin,  iyada oon loo midaan dayaynin, iyo iyadoo ku talagall ah, markasta ayuu dhici kara dagaal kani, isagoo dhimasho iyo dhaawac leh, waa khatar mid kasta oo Soomaali ah uu dareemaayo.

2008-dii ayaan ka soo safray Muqdisho, waxaan imid garoonka Dubai. Waqti dheer ayaan haystay; waxaa ii suurta gashay inaan meeshaa kula kulmo lix ruux oo Soomaali ah. Waqti ayaan isku helnay aan wada fariisano oo aan ku shaah cabno, oo aan isku wareeysano. Waxaan ogaaday iney lixdooduba yihiin dad aqoon leh oo ka kala yimid dalal kala duwan. Sheekadiibaanu bilawnay, jaha walbey nala aaday, oo laamo iyo faraqyo badan ayeey yeelatay. Dadkaas waxaa ka mid ahaa nin ka yimid mid ka mid ah dalalka horumarsan ee Galbeedka; waxaa uu inoo sheegay inuu heer jaamacadeed ilaa shahaadada ‘Masters’ ka gaaray;  waxaa intaas sii dheer oo uu inoo sheegay inuu yahay imam masjid oo aqoon durugsan u leh Diinta Islaamka. Ninka sifooyinkaa lahaa ayaa la wareegay sheekadii ugu danbeeyntii. Markiiba si xoog badan ayuu u dareeriyay dagaaladii dhex mari jiray reerkooda iyo reerro kale oo isku madhay, oo boqolaal iska dilay, anaga wuxuu noo soo raray goobihii dagaalada; jawigii iswareysiga wuxuu u rogay goob dhiilo iyo colaad ka aloosan tahay. Si aanan xishood iyo sariig laheeyn ayuu u dhex galay dacdii colaadihii beelaha, isagoon gurmad weyn iyo hiilo siinaya beeshiisa. Xamaaskiisu wuxuu gaadhay meel sare, ilaa uu afkiisa ka ubriyo. Wuxuu u ekaa nin dagaalkii oo run ah ku dhex jira, dadkeenii dhagaystay sheekadaas waxaa uu naga doonayay inaan la xamaasoono, oo aan aamino sheekadiisa uu sida fasaaxada sareeysa uu ku soo tabiyay.  Waxaa aad iigu adkaatay in aan is waafajiyo cilmiga ninkan iyo cadhada haysa, iyo sida aan kala hadhka laheyn ee uu u rumeeyay sheekadii tolkiis; ilaa xad ay u noqotay xaqiiqo dhab oo si aan khajalaad laheeyn uu madal kastaa ugu furo. Marna qaamuuskiisa kuma aysan jirin  bal wax hubso, siday Diintu iyo Caqliguba qabaan.

Markuu sii dhamaanayay warkiisa waxaa i horyimid caruurtiisii oo warmo iyo qoryo boobeyaal ah haysta oo ciil dilay, isu habeeyay aargoosi oo boqolaal awoowayaashooda oo la dilay hortooda imaanayaan. ILAAH AYAAN KUGU DHAARIYEE SHEEKADAN MAR DANBE HA U SHEEGIN ILMAHAAGA IYO QOF KALE INTAAD NOOSHAHAY, MAANTANA DAGAAL AYAAD NA GALISAY EE OGOOW” Sidaas ayaan ku idhi ninkii dagaalka na galshay. Waa sheeko dheer, intaas aan ku dhaafno.

‘’Haani salka ayey ka tolantaa ‘’ guryaheennu waxay abuuraan colaad ma hadho ah oo la factirsan doonta caruurteena, macalimiinta duruustan  waa muush, way badan yihiin, aabo iyo hooyo, ayeyo iyo awoowe, abti iyo adeer, eedo iyo habaryar,  iyo inta xiriirka la leh qoyska.

Dhibaatada ugu weyni waxaa ay tahay in dhaqankan liita ee colaad hurinta aan ku anqarino ubadkeenii, xilli uu u baahnaa tarbiyad hufan iyo in loo diyaariyo mustaqbal ka wanaagsan kii waalidkii habsaamiyay. Siduu cilmigu sheegi ilmaha mustaqbalkiisa sida uu u fikiridoono, nooca uu noqon doono, wuxuu nacaayo iyo wuxuu  jeclaan doono, dhammaan lixdaa sano ee hore ayey samaysantaa. Lix jir haduu dhaafo wixii hore ayaa asal ah, waxa cusub way ku biirayaan kaliya, wixii xun ee gala maskaxdiisa mudadaas ma ka baxaan abidkiis, colaadda lagu beeri ilmaha ma ka tirmayso, lixdaa sano ayaad ilmahaaga wax bari kartaa, maxaa yeelay wax walba wuu kaa qaadanayaa, 100% ayuu kugu kalsoon yahay.

Illaahii abuuray ayaa kugu amaaneystay, waxaa nala siiyay ilmo nadiif ah oon wax wasakha aan  lahayn, ma ilaalin karnaa quruxdooda, nadaafadooda, iyo daahirnimadooda? Si aan u gudanno waajibkeena, iyagana aan  dad kaga dhigno inoo kaalmeeya, amaanadana u ilaalino, mise waan ka aarsanaaynaa oo waxaan  marinaa  ilmaheena  jidkii la ina soo marsiiyay ee qaloocnaa, oo waxbaba la iskuma dhaamo, oo waxaan ku leenahay ilmayahow iska kora, waxaad la kulantaana yeelkiina!

ANIGUBA HABKAA TAHAY                         IYO HABAYAC SOO MARAY

CILMI LAGU HERTAA IYO                           WAX HANUUNA MAAN HELIN

HOOYO IYO AABO                                       HADALKOODA QAATOO

WAX KALANA MA HAAYSTOON              HOWSHA KU HORMARIN

HABKA DUNIDA YAALIYOO                       HANQALTAAGI MA OGALI

HIIFTIYOO CANAANTIYO                           HADALKAAGA IGADAA

Waxaa xaddiga burburka ina gaaray uu innaga indho tiray inaan qiimeeyno sida ubadkeena u aragno ula dhaqano, oo la’isma weydiiyo qaababka ugu fiican ee loo barbaariyo ubadka aanu dhaleyno, ‘’ intuu tagoogta ku jiri lahaa tubta hadaad sanaado’’ iska dhala dhibba malaha ayaan talo ku goynay. Ummad ka aaminsan falsafaddaa iyo wacyigaa xiriirka ay ilmahooda la leeyihiin maxey isku biirin karaan? Waa waxba! Maxaa yeelay: ‘’Laba qaawan isma qaaddo’’ 

Dabka aan soo shidaynay tariikhdeena oo dhan waan ku soo gubanay, xanuunkiisa aragnay, boqolaal kun ayaan aakhiro u dirnay, saddex laab koodna waa dhaawac, laba malyuunna banaanka ayaan u cayrinay oo way qaxeen, lagama sheekeyn karo xaddiga uu le’eg burburka bulso, dhaqan iyo dhaqaale ee na gaaray. Silica, darxumida, iyo baaba’a na haysta gudo iyo dibadba waa mid aan loo hayn af iyo suugaan lagu cabirro. Dhibtaas waxaa keenay tarbiyada qaloocatay oo caruurteena colka ka dhigtay, wasakhaysay maskaxdoodii fiicneyd, ku ababisay mid waliba inuu ka sareeyoo inta kale, ka geesisan yahay iyaga oo idil, ka sharaf badan yahay dhamaantood, ka laan dheeraysan yahay, ka qurux badan yahay, kana nasabsanyahay, maxaa yeelay waa ina hebal oo reer hebal ah, taas ayaa keentay is maan dhaafka dad keena, waana wixii galaaftay dalkii, iyo dadkii, duunyadii,  iyo sharaftii,  diintii iyo dhaqankii suubanaa. Caqliyaddan waa mida na habsaamisay ee faceen naga reebtay, oona beylah nooga dhigtay cid kastoo damac naga leh.

HADABA JIDKA NABADAU WAA KEE?

Jidka nabaddu waa ani                   Jidka nabadu waa adi

Innaguna  idaaylkeen                     Awoodeedi baan nahaay

Afxumadaa guryaha taal                               Anshax toosan lagu dayin

Ubadkuna maqlaayaan                  Yaa aafadaas dhalay

Aqalada dhexdooday                     Arin xumo ka dhalataa

Ummaduna dhammaanteed      Eed bay ku leedahay

Imtixaanka dhacay ee                    ummadiiba kala diray

Albaab kuu ka soo galay?              Yaa soo abaabulay?

Akhlaaq xumada yaa baray          Inta kale dil yaa yidh

Oo ku amar taaglee!!

Ilmaha guri ayuu ka soo baxay, lixda sano ee ugu horaaysa nolashiisa  wuxuu ku daydaa hooyo iyo aabo iyo dadka kale ee ku hareeraaysan, faylasha madixiisa gala mudadaas wakhti aad u dheer bay la socon doonaan, qoyska Soomaaliyeedna xisaaba uguma jirto lixda sano , agtooda ayeey baraad la’aan ugu sheekeeystaan, haddaba maxaa ka soo baxay lixda sano?

  1. Waxaa uu waayaa waxbarasho  waxtar leh.
  2. Boqolaal fayl oo badankoodu faasid yihiin ayaa iska buuxisa maskaxdiisa.
  3. In badan oo dhaqanka reerka ah ayuu qaataa si dhib yar, xumaantiisa  ayaana badan dhaqankaas.
  4. Kalsoonidiisa hoos ayeey u dhacdaa, wuuna isla xumaadaa, waxaana sabab wayn u ah ihaanada, dilka, cabsiinta, xoriyo ka qaadka, xushmo la’aanta, iyo inuu  tabaayo  baahi  badan oon laga qancineynin.
  5. Wuxuu ku abaabaa xadgudub isna waa lagu sameeyaa isna wuu sameeyaa, waa lagu amaanaa markuu la dagaalo ama la caytamo ilma kale waxaana layidhaahdaa iska celi  waa facaayee.
  6. Wuxuu koraa oo uu dhaafaa mudadaas isagoo wareersan, maxaa yeelay waalidkiis  ayaan islaba haysan, si is daba joog ah ayuu u arkaa wax iska hor-imaanaaya uuna macneyn karin. Markuu aado bulsho weynta wuxuu noqonayaa ruux aan isku kalsoonaayn, oon laheyn wax uu difaaco  si kalsooni ku dheehan tahay.
  7. Ma xanbaarsana jaceyl mug leh; waana meelaha aan ka qaawanahay.
  8. Waxay ilmaheenu ka qatan yihiin qaabka xiriirka loo sameeyo, iyo la dhaqanka dadka kale ee dariska ama asxaabta ah.
  9. Waa  6 sano oo khasaare ah,  haddii aan ka eegno tarbiyada iyo sida ay aheyd in loola dhaqmo dhalaanka.

Ilmo sidaa u tabar iyo taag daran ayaa dugsiyada ku kulmaya maxay isku biirin karaan? Anoo og inay wax yaalo badan u dhaxayn karaan guryaheena, hayeeshee tilmaamahaas waa in la wadaago. “Nabadda” duntay is kama dumin ee guryaheena ayaa dumiyay, dhaqan xumideena ayaa dumisay, aqoon la’aanta caruurteena ayaa dumisay. Jidka nabadu  waa in aasaaska bulsha kastaa oo ah ubadkeeda fiiro gaar ah loo yeesho . Raga shaqo xumada u macaanaatay iyo Dumarka mashxarada la garab taagan, iyo wasiirkan aan kalsoonida isku qabin, iyo sarkaalkan umadiisii dilaaya meeshuu ka ilaalin lahaa! Iyo dadka runta ka wada cabsanaya, waa wixii la inagu soo barbaariyay.

Ma laga bixi kara godkan lagu naafoobay? Ma badali karna sida aan u aragno caruurteena?

Caruur is jecel ma dhisi karnaa? Ma  la keeni karaa hooyo iyo aabo abuura  jacaaylka ubadka?   Sida uu ina baray Suubanoow  Nabigeena (SCW)?  Ma is  dhihi karnaa inagoo qoys ah WAAN KU JECLAHAY?.

Nabaddii dhuntay ayaan  baadi goobkeedii  ku jirnaa. Tarbiyadu waa astaan lagu yaqaano baadideena. Hadaba saldhiga tarbiyadeenu waa kee? Maxaa ka mid ah sumada ama seeraha lagu yaqaan? Waa arin inoo wada taalee ha moogaanina.

Qore: Dr. Cali Sh. Axmed Abubakar 

Email: calisheikh@hotmail.com

Xigasho : https://www.hiiraan.com/comments2-op-2010-july-jidka_nabadda.aspx

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top